Maxamuud Sayid “Beesha Caalamka waa in aysan gacan siin rabitaan shaqsi iyo aragti xun oo aanan shaqeyneyn…”
09 Feb 2020 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan xaalada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan tan Jubbaland.
Maxamuud Sayid oo ku sugan meel ku dhow Beledxaawo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qalqal gelin amni iyo buburin hey’adihii soo kobcayay ay ka wado Jubaland.
Waxaa uu sheegay in dowladdu burburineyso hey’addihii Federaalka ku dhisnaa, isagoo farriin u diray dhammaan xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
“Beesha Caalamka waa in aad fiirisaan waxa ka socda Soomaaliya, qarankii oo is burburinaya bal arka Ciidamada Soomaali la isku dilayo bal arka, hey’adihii soo kobcayay oo la burburinayo, waa in aad dib u eegtaan xaalada socota, rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa, waa in aadan gacan siin”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Maamulka Jubaland ayaa maalmihii la soo dhaafay digniino is-daba joog ka soo saarayay xaalada Gobolka Gedo, oo ay dowladda Federaalka geysay ciidamo fara badan, waxaana ka jirta cabsi dagaal degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan dowladda Federaalka.
Daawo Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo cadeeyey in DFS weerar qaawan oo dhan walba ah kusoo qaaday gobolka Gedo
Puntlandes.com