Gudoomiyaha Gobolka Mudug ma wuxuu noqday Gumoomiyaha wareega?

Waxyaalihii laga bartay Burburka dawladnimadii Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah Bililiqada oo aan ku koobnaan Hantida dadwaynaha ee waxaa kaloo la Bililiqaystay ” title” magacyada jagooyinka iyadoo wiilal yar yar ay isugu yeereen General iyo wax la mid ah. Waxaa iyana soo baxay sheegashada ” title” aan la aqoon waxay yihiin sida  Safiirka wareega, Ergeyga Gaarka ah ee madaxwayne oo aan la aqoon meel uu Ergay uga yahay!!

1638
Tigey oo Garowe ku soo dhawaynaya Cawaale

 

Gobolka Mudug oo ah Gobol nasiib xumo xaga maamulka ah ku habsatay oo sidii Soomaaliya Xornimada u qaadatay aan helin mid madaxa ka garaaco maahee maamul wax u qabta oo ka shaqeeya Horumarinta Gobolka iyo Bulshadiisa marka laga reebo maamulkii soo maray 1960-1969 oo aqoontiisa hohaamineed aad u hoosaysay. Sanadihii 1969 -1991 wuxuu Gobolku ku sugnaa Caburin,Curyaamin, Cagajuglayn iyo xaalad dagaal. Sanadihii 1991- iminkana waxaa Gobolka Carqabad ku noqday Koox uu Hogaamiyo Xisaabiyaha Idman ee Gobolka Mudug Gaadayare. Kooxdani waxay u dhaqmaan sidii in ay leeyihiin ilaha dhaqaalaha ee Gobolka sida Airport, Isbaarooyin ay sharciyeysteen kuna qaadaan wax ay ugu yeereen Canshuur, waa Koox u diidan in Gobolku dhaqaaqo.

1637
Tigey oo Gobolka Cayn ku soo dhawaynaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Hadaba waxaa dadka Gobolku iswaydiinayey todobaadyadii u dambeeyey Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo inta ay isqabteen Kooxda Gaadayare ka cararay Gobolka iyo xaruntiisa oo maalinba ka muuqanaya shaashadaha Tv yada Soomaalida isagoo Xafladaha kaga qayb galaya Gobol kale ama ku soo dhawaynaya wafdi ama madax Gobol kale!!!

Waxay tani ka marqaati kacaysaa Hogaan xumada madaxweyne Gaas! Soow ma ahayn in madaxweyne Gaas uu qof kale oo ka shaqeeya Gobolka uu ku bedelo Gudoomiye Tigey ama uu ku amro Tigey in uu Xafiiskiisii tago oo ka shaqeeyo?

1636
Tigey oo maanta ka qayb galay Xaflad Garowe

 

Shacabka Gobolka Mudug waxay u baahan yihiin Gudoomiye wax u qabta oo subax walba u soo shaqo taga xafiiskiisa. Gudoomiye Tigey soow ma haboonay in uu meesha isaga tago ama uu Gobolka uu xilka u hayo u shaqeeyo, mise madaxweyne Gaas wuxuu u magacaabay Tigey Gudoomiyaha aan Xafiiska lahayn ee wareega

Puntlandes.com

About The Author