Danjirayaasha dalalka Cummaan iyo Sudan oo la amray inay dalka ku soo laabtaan

22 Feb 2020 (Puntlandes) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa amray safiirada dowlada soomaaliya ugaga wakiilka ah dalalka Cummaan iyo Sudan inay dalka ku soo laabtaan.

Safiiradan ayaa loo qabtya muddo afar cisho ah inay dalka ku soo laabtaan si wax looga weydiiyo khilaafka ka dhex jira safiirada iyo shaqaalaha safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed ayaa khilaaf sababay gacan ka hadal waxa uu ku dhex maray safaarada gudaheeda.

Hase yeeshee lama oga khilaafka u dhexeeya danjirayaasha iyo shaqaalahooda waxa uu salka ku hayo.

Hoos ka akhriso qoraalada loogu yeeray safiirada


Puntlandes.com

About The Author