Daawo Nuuradin Aden Dirie “Wax waqti kororsi ah dalkaan lagama aqbalayo”
23 Feb 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Golaha Sare ee La-talinta madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Nuuradin Aden Dirie oo waraysi dheer siiyey Dalsan TV ayaa k ahadlay khilaafka dawlad goboleedyada dalka iyo dawladda Federaalka, Shirka wadatashiga Puntland ee uu ku baaqay madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni, doorashada 2020/2021 ee ay diidan tahay DFS in laga wadatashto, xeerarka ay si kaligeed ah u ansaxsatay DFS iyo qodobo kale.
Mudane Nuuradiin oo caddeeyey in aan Soomaaliya laga aqabalayn inay mudada kororsato Villa Somalia ayaa yiri “Wax waqti kororsi ah dalkaan lagama aqbalayo”
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Golaha Sare ee La-talinta madaxweynaha oo ka hadlaya siy ”in Hub Siyaasaadeed loo isticmaalo masiirka dhalaanka koraya ee Soomaaliya waa meeshii ugu liidatay, wax kastaba siyaasadee laakiin dhalaanka….”
Puntlandes.com