Sawirro: Waxqabadka Wasaarada Maaliyada dawladda Puntland ee Gobolka Mudug.

23 Feb 2020 (Puntlandes) Waxqabadka Wasaarada Maaliyada dawladda Puntland ee Gobolka Mudug oo hogaamiyo Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada gobalka Mudug Ismail Abdinur Geesey ayaa waxay gobolka ka qabay waxqabad muuqda.

Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug waxay bixisaa:
1- Shaqaale gaaraya dhowr boqol oo ka howlgala Gobolka Mudug.
2-Adeegyada iyo gunooyinka Masuuliyiinta Dowladda ee heer gobol.
3-Raashimada, mushaaraadka, Shidaalada, dayactirka iyo adeegyada ku dhawaad 2,000 askari oo Daraawiish iyo Police isugu jira.
4-Sidoo kale waxay qayb libaax ka qaadataa Maalgalinta Mashaariicda JPLG ee laga fuliyo dagmooyinka Gobolka Mudug, sida laamiyada, dayactirka Goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.
5-Roondooyinka iyo Hawlgalada G.Mudug oo Wasaaraddu bishii ku bixiso lacag Dhawr iyo toban kun ah.

Waxaa xusid mudan in Xisaabiyaha G.Mudug mudug uu bixiyay dhamaan xuquuqahaas, sidoo kale waxaa uu hormarmariyay Hanaanka shaqo ee W/M Gobolka Mudug, si loo ilaaliyo hantida dadwaynaha G.mudug wuxuu soo saaray System-yo Automatic ah oo lugu qaadayo cashuurta luguna kaydinayo xogta Cashuur bixiyaha.

Cashuuraha laga rabey ganacsatada waa
1-Cashuurta Mushaarka shaqaalaha
2-Cashuurta kirada Daaraha
3-Cashuurta Iibka

Waa masuulka qura ee waqtiga shaqada laga helo xafiiska inta aan ka ognahay Gobolka.

Waxaa hubaal ah inuu waxbadan ka badalay hanaanka shaqada iyo hormarinta dakhliga Gobolka.


Puntlandes.com

About The Author