Sawirro: Madaxweynaha Somaliland Iyo Saddexda Xisbi oo heshiis ka Gaaray khilaafkii ka taagnaa Guddida Doorashooyinka

27 Feb 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Shir ballaaran oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Muuse Biixi , guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaridka, ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad buuxa lagaga gaaray khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka.

Sidoo kalena waxay xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka, si ay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, iyada oo xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka qaranka.

Heshiiska ay madaxweynaha iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u dhignaa sidan:



Puntlandes.com

About The Author