Maqaal: Maxaa laga filikaraa shirka Garoowe ee 15 march 2020?
Soomaaliya waxaa ka dhaca shirar faro-badan oo intooda badani ayan ka soo bixin wax natiijo ah oo anfac u leh shacabka.
Shirarka dhacaahi waxay iminka kusoo urureen 2 nooc:
Waa mide, in qolo wax loo diidey ay ku muujinayaan dhoolatus awoodeed iyo inay ku saaraan culays koox kale oo ay is leeyihiin waxbay idinka duudsiyeen.
Waxaan noocaan ku tilmaami karnaa inuu yahay ”Hurdan siyaasadeed” iyo is muujin ay dhicikarto in kooxda qabatay shirka ay xilligaas la joogo ku gaaraan yool siyaasadeed oo ku siman muddo cayiman oo keliya.
Hadii uu yahay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni noocaan, waxaa habboon inuu xisaabta ku darsado maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa ”Waxarihii Beentii Barte”
Waxay kolka hore xadideysaa ka qayb-galeyaasha oo waxay dhimaysaa xiisaha ay u qabikaraan dadka bulshada qiimaha ku dhex leh iyagoo sii saadaalinaya ama qiyaasaya natiijada ka dhalankarta shir loo qabtay booloxooftayn siyaasadeed.
Waxaa iyana shirka caynkaa ah qiimihiisa hoos usii dhigaya iyadoo qolada iminka Xamar joogtaahi ku shaqeeyaan damanaan siyaasaded ” Political Ignorance” iyadoo middaasi u keeneyso inay isku halleeyaan afkaaro siyaasadeed oo aad looga fududeeyey xajmiga ay leedahay. Middaas, waa afkaartaase oo caqabad weyn ku ah, in la gaaro, hor u socod siyaasadeed iyo horumar bulsho. Afkaartaasi waxay bulshada u kala qaybisaa kooxo, sida muwaadiniin iyo dabo dhilif, wadaniyiin iyo danleey, qaran iyo qabyaaladeyste ”Complex political systems lead people to rely on oversimplified worldviews based on ideology. These ideologies stand in the way of social progress by dividing people into ‘parties’”
Arinkaasi wuxuu isna keenin inayan socon, booloxoofto siyaasadeed oo uu wado qof awelba ku suntanaa tilmaamaha kore sida dabadhilif, qarandumis, qabyaaladiiste iwm.
Nooca kale ee ayaantaan caanka noqday ayaa ah in la qabto shir looga gol-leeyahay in lagu odoroso ra´yulcaamka si kolkaa haddii loo baahdo looga dhigto “dood” siyaasadeed. matalenba shacabkaygu waxay doonayaan sidaa iyadoo la rabo in kolka ay xaajo kululaato, laga dhigto god lagu cararo “Escape hole” si difaac looga galo halkaa. Godkaas oo aan inta badan loo baahan in la isticmaalo maadaama ay siyaasadda Soomaalidu iska gebi- dhacleyneysey mudadii 30 sano ee lasoo dhaafay, iyadoo aysan dhicin, in hal koox, si toos ah oo is xigxigta ayan wax ugu socon. Midaasoo ay keeneyso, faragelinta beesha caalamaka iyo awoodaha dalalka ku qasnaa siyaasadda Soomaaliya muddadaas, kuwaas oo saamayn aan lasii saadaalinkarin ku yeesha hadba natiijooyinka soo baxa.
Shirarka noocaan danbe ahi, waa nooca ay Soomaalidu u bixisay “ Shimbirayohow heesa”
Kolkaa waxaynu si hordhac ah u oran karnaa in sirka Garoowe iyo natiijada laga filikaro uu yahay Shimbirayohow Heesa oo hees wanaagsan ku heesa. kolka la eego, noocyada ka qaybgelaya iyo natiijooyinka laga fili karo siyaasadda guud ee Soomaaliya oo kol horeba aynu aragno in beesha caalamku roolkii lagu yaqiiney uu soo ifbaxayo.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com