Daawo Video: Nuuradin Aden Dirie oo ka hadlay kaalinta IGAD ee Somalia, siyaasada madaxda DFS ee dalka iyo habqaysiga 4.5

01 Marso 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Golaha Sare ee La-talinta madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Nuuradin Aden Dirie oo xalay ka hadlay Madasha 10aad ee PDRC Talks oo martik u ahaa Xoghayihii hore ee urur gobolleedka IGAD, mudane ENG. Maxbuub Macalin  ayaa ka  hadlay kaalinta IGAD ee Soomaaliya, siyaasadda ay dalka ku hogaamiyaan madaxda DFS, hab qaybsiga 4.5.

La-talinta madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa caddeeyey in Garowe lagu saxiixay 2016kii in aan mar dambe lagu noqon habqaybsiga guracan ee 4.4 isagoo soo qaaday inay IGAD ka ahayd garantoor wuxuuna yiri ”IGAD geedisocodka soiyaasadda Soomaaliya ee 10kii sano ee la soo dhaafay aad bay xoog uga qaadatay, waxaana hadda… doorashadaan soo socota aan IGAD ku qabsan doonaa inay Garantoor ka ahayd in aan 4.5 dambe lagu noqon Soomaaliya”

Nuuradiin oo ka hadlaya waxa farogelinta Itoobiya xalaaleeyey meesha tan Kenya ay DFS ku sheegatay xalaal wuxuu yiri “Faragelinta Kenya ku hayso Dawladda Soomaaliya maanta waxaa 100% ka badan tan Ethiopia ku hayso marka maxaa Daahir ka dhigay tan Itoobiya tan Kenyana Doofaar ka dhigay”

About The Author