Daawo Senotor cabdi Qaybdiid oo sheegay in DF ay ku fashilantay amniga
02 Marso 2020 (Puntlandes) Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah guddoomiyaha guddiga Dastuurta labada ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.
Cabdi Qaybdiid oo wareysi siiyey TV-g Universal ayaa is barbar dhig ku sameeyey waxyaabaha u qabsoomay dowladda iyo kuwa ay ka gaabisay muddada ay jirto.
Cabdi Qaybdiid ayaa wuxuu tilmaamay inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga iyo mas’uuliyada ka saaran, isagoo xusay inuu go’ay isku socodka gobollada dalka.
“Waxaa go’ay isku socodka dadka iyo Ciidamada Gobollada Dalka, taas badalkeed Dowladda ciidamadii loogu talagalay in ay u isticmaalo isku furista waddooyinkaas ay geysay Gobollada kale ee dalka”. ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey Cabdi Qaybdiid.
Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda ugu baaqay inay u diyaar garowdo, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saarto sugida amniga doorashada soo socota.
Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey madaxda Qaranka inay xooga saaraan arrimaha nabad gelyada iyo dib u heshiisiinta oo muhiim u ah geeddi socodka Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilihii dambe dowladda lagu dhaleeceynayey in ciidamadii loogu talagalay inay la dagaalamaaan Al-Shabaab ay geysay deegaano ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo ay haatan xiisado xoogan ka jiraan.
Puntlandes.com