Wasaarada Maaliyadda Puntland oo codsatay in dib loo dhigo shirka dayn cafinta ee Baydhabo & Jubaland oo hakisay

04 Marso 2020 (Puntlandes) Wasaarada Maaliyadda Puntland ayaaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qeyb-geli karin shirka dayn cafinta looga hadlayo ee Baydhabo lagu balan-sanaa in uu ka qabsoomo inta u dhaxaysa 7-11 bishaan Maarso.

Wasaarada Maaliyada Puntland waxay codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirka, iyada oo u sababaysay in ay ku mashquulsan tahay qabashada ‘Shirka Wadatashiga Puntland ee 15-ka March’ ka furmay Magaalada Garowe.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maamulka Jubbaland uu u hakiyay ka qeybgalka shirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Federalka iyo Wasaaradaha Maaliyada Dowlad goboleedyada.

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay soo gelisay ciidamo deegaano ka mid ah Jubbaland ayna amni darro ku soo kordhiyeen deegaanada Jubbaland.


Puntlandes.com

About The Author