Akhriso war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha ee Istanbul

05 Marso 2020 (Puntlandes) Shir Wadarashi ah oo Madasha Xisbiyada Qaran uga soo gabagaboobay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 13 qodob.

War murtiyeedka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay inay hal xisbi ku midoobi doonaan, isla markaana loo saaray Guddi Farsamo oo muddo 45 cisho ku soo dhameystira howlaha Farsamo ee sameynta Xisbiga.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dalbaday in doorashada ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, iyagoo taageeray in doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.

Waxaa ay ku baaqeen saamileyda siyaasadda sida dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasadda inay si shuruud la’aan shir isugu yimaadaan si isfaham looga gaaro arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka.

Madasha ayaa ugu baaqday Xisbiyada kale ee dalka ka jira inay ku soo biiraan Isbaheysigan.

Ugu dambeyn Madasha ayaa si KMG ah Afhayeen ugu doortay Danjire C/risaaq Axmed Shoole Safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyay dalka Suudaan.


Puntlandes.com

About The Author