Israsaaseyn lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Qoor Qoor oo ka dhacday Dhuusomareeb
10 Marso 2020 (Puntlandes) Is-rasaaseyn dhimasho leh oo u dhaxeysay laba ciidan ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo goobjoog u ahaa dhacdadan.
Is-rasaaseynta ayaa dhex martay ciidamada ilalaada u ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo askarta guutada 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Qoor Qoor oo dhagax dhigi rabay xarunta madaxtooyada Galmudug, oo laga dhisayo xerada 21-aad uu tagay xerada oo fariisin u ah ciidamada Xoogga ee 21-aad.
Ciidamadii ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay inay kadib diideen in madaxweynuhu soo galo halkaaas, kadibna waxaa billaabatay is-rasaaseyn socotay dhowr daqiiqo.
Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ahaa ilaalada madaxweyne Qoor Qoor ay halkaas ku geeriyoodeen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.