Gen Townsend oo ku tilmaamay duqeynta ay ka geystaan Soomaaliya mid waxtar leh

11 Marso 2020 (Puntlandes) Taliyaha Howlgalka Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM Stephen Townsend ayaa ku tilmaamay duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geystaan ay noqotay kuwo sababa in awooda Alshabaab ay wiiqanto.

Gen Stephen Townsend oo ay wareysatay VOA ayaa sheegay in Mareykanka ay u muuqato awood dhac ku socoto Alshabaab, sabab la xiriirta weerarada ay fuliyanayaan oo joogto noqotay.

“Duqeymaha waxa aan xaqiiqdii rumeysanahay in ay yareynayaan awoodda Alshabaab, waxaan aragnaa in ay ka baxayaan meelaha aan xoogga saarno, muuqaal ahaan waxa aynu arkeenaa iyaga oo ka baxaya”.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee uu ka geysanyo gudaha Soomaaliya, waxaana ujeedka ay ku sheegeen in ay kaga hortagayaan Alshabaab oo ay ku tilmaameen in ay khatar ku yihiin Dowlada Federalka Soomaaliya, AMISOM iyo danaha Mareykanka.

Puntlandes.com

About The Author