Alshabaab oo weerartay fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Aw-dheegle
12 Marso 2020 (Puntlandes) AlShabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.
Dagaal dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab oo la sheegay inuu socday muddo saacad ah ayaa geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Hase yeeshee khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaan la ogeyn iyadoo dagaalka uu ahaa mid hub xoog leh la isu adeegsaday.
Saraakiil ka tiran milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay sika difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Alshabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ayaan ka hadlin weerarka Alshabaab ku qaadeen deegaanka Aw-dheegle oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.
Puntlandes.com