Wasiirka Caafimaadka XFS oo xaqiijisay in Kiiskii ugu horeeyay ee Corono Virus ah laga helay Muwaadin Soomaaliyeed
16 Marso 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee Corono Virus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo hadda goob loogu talagalay lagu karantiilay.
Wasiirka caafimaadka XFS, Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Dowladda dadaal walba ku bixineyso sidii muwaadinkaas oo dalka dibadiisa ka yimid loo baxnaanin lahaa.
Cudurka Corono Virus ayaa fara ba’an ku haya caalamka,waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay dadaal kasta oo faafitaanka cudurkaas looga hortagi karo.
Puntlandes.com