MAQAAL: Talooyin ku socda Shirka Garoowe WQ Maxamed Saliid

Si guud kolka loo koobo, waxaa shirka looga doodi karaa laba arrimood oo kala duwan balse isa saamaynaya. Midi waa arrimaha khuseeya gudaha iyo wixii khaldamay 22 sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo fadhiidka ka dhigay inay hanaqaado Dawladnimo ka taabagasha Puntland.

Halka arrinta kale ay tahay mid khusaysa dibadda Puntland iyo doorkeeda arrimaha Soomaaliya.

Arrinta gudaha xal ayaa loo helikaraa haddii la fariisiyo Siyaasada arrimaha dibadda ama  waxa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Puntland.

Shacabka Puntland waxay intooda badani lumiyeen, kalsoonidii ay ku qabeen maamulka Puntland. iyadoo aan la fahansaneyn waxa Puntland kula socoto Maamulka Xamar oo muddo 22 sano ah cadaystay inaanay raali ka ahayn nidaamka federalka ee lagu heshiiyey.

Waa mide, shacabku waxay arkaan in dowladda federalku ay tahay dawladdoodii oo ay Puntland ogoshahay. Waa midda labaade, waxay arkaan inayan Dawldda federalku wax tixgelin ah u hayn Puntland. Waa midda sadexaade, waxay shacabku arkaan inay Puntland intaa ku tiraabto, in dawladda federalku taladii dalka maroorsatay, inay dastuurkii tuurtay, inay mashaariicdii is hortaagtey, inay waxbarashadii diidey. Balse hadana ayan ka harayn ee sidaa kula socoto (Do we really have any other options?).

Ma arkaan shacabka inay u furantahay waddo kale, inay Xamar u hoggaansamaan mooyaane.

waxay xaqiiqsadeen in badan oo ka mida shacabku in haddii ay Puntland kusii socoto wadadaas mugdiga ah inay si iskeed ah isaga dhamaan doonto. Kolkaa siyaasaddaasi waxay ku dhiiri gelineysaa shacabku inay gebi ahaantood isaga degaan Doonidaas ay arkaan inay sii degeyso, ( Doonidii Naakhuude xumi Dakhalkay ka jabtaa). Waxay sahleysaa in qaybi u jabto taageeridda dawladda federalka, maadaama ay arkaan inay Puntland noqotay asal madoorshe siyaasadeed, oo arkaan inaanay waxna siin karin waxna u diidi karin shacabka ay xukumaan, haba ugu yaraato shahaadooyinkii ardadu´e.

Waxaa cad, in haday Puntland usii dhaqanto sidii ay usoo dhaqmeysey 22 sano ee lasoo dhaafay inay si iskeed ah u burburidoonto. Waxaa dhimanaya kalsoonida inta hartay shacabka. Waxaa sii xoogeysanaysa kolba kolka ka danbeeysa faragelinta duminta ah ee ka imaanaysa Dawladda federalka iyadoo adeegsanaysa magaca dawladnimada ee aan lagu haysan, maalka iyo taakulaynta ciidan ee ay ku helayso magaca Dawladnimada Soomaaliyeed.

Hadaba Puntland waxaa la gudboon laba waddo middood.

  1. Inay ka tanaasusho, nidaamka federalka iyo magaca Puntland, oo kolkaa juhdiga iyo awoodeeda isugu geyso helidda Dawlad Soomaaliyeed oo awood badan. Si Qalbi ah ama dhamaystiran. Oo kolkaa meesha kasaarto, murunka joogtada ah ee aan macnaha badan samaynayn.
  2. Inay Puntland si dhamaystiran uga harto ka mid ahaanshaha Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya. Oo ay geliso juhdiga, maalka iyo muruqaba siday ku dhisilahayd kalsoonida shacabka, adwooda ciidan iyo nidaamka dawladnimo ee Puntland gudaheeda ah iyo inay kasbato saaxiibo siyaasadeed ee gobolka iyo caalamkaba ah si ay u hesho umado ay isku danyihiin.

wixii labadaa kasoo hara waxay faa`iido u tahay Dawladda Xamar inay si sahal ah u kala daadiso wixii lasoo unkamayey 22sano iyadoo si khasab ah u suurto gelineysa nidaam dawlad dhexe oo awoodleh (Central government).

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

About The Author