Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Wasiiru dowlaha

18 Marso 2020 (Puntlandes) Khilaaf xoogan oo in muddo ah soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa soo shaac baxay, kaddib markii labada Wasiirul dawluhu ouu xilka ka qaaday Agaasimii maamulka iyo maaliyadda ee wasaarada Arimaha Dibadda.

Wasiiru dowlaha ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Shirwac C/llaahi Ibraahim, kuna gudbinayo saxiixiisa howlaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda, isagoo ku socodsiiyay warqada Xisaabiyaha Guud, halka uu ku ogeysiiyay Bankiga Dhexe Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka.

Intaas kaddib Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa soo saaray warqad burin iyo magacaabid ah in Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda inuu weli yahay Saacid Aadan Jaamac, sidaas darteed ku faray in lala socdo.

Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa ku tilmaamay sifo aan sharci aheyn warqada uu soo saaray Wasiiru dowlaha ee magacaabidda iyo gudbinta saxiixa agaasimaha cusub.

Wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda C/qaadir Axmed Kheyr ayaa awood badan ka heysta iskuna halaynaya Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo ay ehel dhow yihiin, waxayna u muuwqataa inuu Fahad ku amray inuu buuq ku furo wasiirka.

Hoos ka akhriso warqadaha is burinaya ee ay soo kala saareen Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Wasiiru dowlaha:


Puntlandes.com

About The Author