Akhriso magacyada ururada siyaasadeed ee Puntland iska diiwaan galiyey (muuqaal)
17 Marso 2020 (Puntlandes) Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowladda Puntland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa si rasmiya u shaaciyay urur-siyaasadeedyada ay diiwaan-geliyeen saddexdii bilood oo la soo dhaafay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Barre ayaa warbaahinta u sheegay in mudd saddex bilood gudahood ah si hor dhac ahku diiwaan-geliyeen 17 urur-siyaasadeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in 17-ka urur siyaasadeed ay buuxiyeen shuruudaha hordhaca ah ee laga doonayo ururrada siyaasadda Puntland.
Mudane Guuleed Saalax ayaa sidoo kale sheegay in shuruudaha kale ee u harsan ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020.
Hoos ka akhriso magacyada urur siyaasadeedyada
1. Urur Siyaasadeedka Bakaal
2. Urur Siyaasadeedka Xaq iyo Caddaalad
3. Urur Siyaasadeedka Xaqsoor
4. Urur Siyaasadeedka Daryeel
5. Urur Siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda
6. Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha
7. Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada
8. Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Sinaanta
9. Urur Siyaasadeedka Garsoor
10. Urur Siyaasadeedka Qarandoon
11. Urur Siyaasadeedka Kaah
12. Urur Siyaasadeedka Mideeye
13. Urur Siyaasadeedka Midnimo Qaran
14. Urur Siyaasadeedka Himilo
15. Urur Siyaasadeedka Horseed
16. Urur Siyaasadeedka Ifiye
17. Urur Siyaasadeedka Umadda
Akhriso qoraalka
Puntlandes.com