DFS oo ku wargelisay hay’adaha dowladda in muddo ku eg 1da bisha April la hakiyay xaadiridda xafiisyada Shaqaalaha Dowladda

19 Marso 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ayaa ku wargelisay hay’adaha dowladda in muddo ku eg 1da bisha April la hakiyay xaadiridda xafiisyada Shaqaalaha Dowladda , marka laga reebo maamulka iyo howlwadeennada aan looga maarmin xafiisyada, si looga hortaggo faafida fayruska COVID- 19.

Shaqaalaha caafimaad ayaan iyagu ku jirin hakinta, si ay u gutaan howl maalmeedkooda iyo la tacaalida faafida #CoronaVirus.

Puntlandes.com

 

About The Author