DFS oo duulimaadyada caalamiga ah u fasaxday
21 Marso 2020 (Puntlandes) Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ayaa maanta si kumeel gaar ah dib ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya.
Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradaasi Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku taariikheysan maanta ayaa waxaa lagu sheegay in muddo labo maalin ah dib loo furay duulimaadyadaas, sababo la xariira cabasho ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban garoomo kala duwan ee ku yaalla caalamka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in muwaadiniinta ka imaanaya dalalka uu ka jiro cudurka Coronavirus ay qaadan doonaan amarada wasaaradda caafimaadka dalka.
Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in labo cisho kadib la joojin doono duulimaadyada caalamiga ah, illa 15-kii cisho ee uu horay u amartay dowladda dhexe.
Ugu dambeyn waxaa warqadda lagu sheegay in guud ahaan dalka aan la soo galin karin wax aan ka aheyn daawo ama raashin.
Puntlandes.com