DFS oo joojisay duulimaadyada dalka gudihiisa

28 Marso 2020 (Puntlandes) Dowladda federaalka Somaliya ayaa joojinaysa duulimaadyada gudaha dalka u kala safra si looga hortego faafitaanka cudurka coronavirus ee Caalamka saameeyay.

Dawladda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay joojisay diyaaradaha u kala safra dalka gudihiisa Axad ay taariikhdub ku beegan tahay 29 Maarso 2019ka.

Diyaarado sida rakaab kala duwan ayaa dalka gudihiisa u kala safra Maalin walba, gaar ahaan duulimaadyada isku xiraa caasimadda Muqdisho iyo goboladda koonfureed ee dalka.

Dowladda Federaalku waxay hore u joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray dalka dibadiisa, inkastoo weli ay qaybo ka mid ah dalka timaado diyaarada Itoobiyan Airways.

Puntlandes.com

About The Author