Akhri kooxda Gaadayare oo ceebeeyey reer Mudug markay ku bixiyeen dhismaha Buundada 7600$ kaliya
Guddiga dhismaha Buundooyinka Midigar, Libaaxo, Xamurta iyo Fallayryaale ayaa soo bandhigay lacagtii ku baxday dhismaha Buundada iyo meelaha ay ka heleen lacagaha. Hadaba waxaa Shaxda ka muuqata Gobolka Mudug oo Allah hodanimo siiyey in uu yahay Gobolka bixiyey lacagta ugu yar, waana 7600 daalar kaliya, meesha ay Nugaal bixisay 73 000 daalar, halka ay Bari bixisay 360 000 doolar.
Kooxda iska cuna hantida shacabka Mudug ee uu hogaamiyo Gaadayare uuna ninka labaad ka yahay Dhagawayne sidii caadada u ahayd way ceebeeyeen shacabka sharafta iyo qadarinta mudan ee Allah hantida ku manaystay ee Mudug markii ay bixiyeen oo kaliya wax ka yar 8000 doolar meesha uu Gobolka la mid ka ah uu bixiyey lacag ku dhow 400 000 doolar.
Waxaa iswaydiin leh ma bixin waayeen inta ay ku cunaan mudo 7 cisho kaliya ah? Mise ceebta ayey la maageen reer Mudug?
Warbixintoo dhamaystiran
Warbixinta-iyo-Xisaab-celinta-dhismaha-buundada-Middigar
Akhri oo arag
Puntlandes.com