Akhri: Waxa uu madaxweyne Gaas kula heshiiyey Dam Jadiid! Mustaqbalka Puntland oo Mugdi galay
Kooxda uu hogaamiyo faarax Cabdulqaadir (Faarax Sakiin) ee DAM JADIID ayaa markii uu Xamar tagay Dr Gaas dhawaantay waxay Kooxda damaca waalan ee Dam Jadiid oo awalba reer Puntland u keenay Gaas ku qasbeen in uu u saxiixo qorshadooda 2016. Kaasoo ah siday xukunka dalka u haysan lahaayeen iyo Dawlada Puntland oo ahaan jirtay Dawlada haybad iyo codba leh sidii ay u burburin lahaayeen.
Caana ma daadshe Dr Gaas waa uu u saxiixay DAM JADIID qorshihahoodii. Waxayna iminka bilaabeen sidii ay u faafin lahaayeen qorshahooda iyagoo dhinac walba ka bisleeyey.
Muxuu yahay qorshihaha DAM JADIID ee uu Gaas saxiixay?
Somaliland waa ka go’aysaa Soomaaliya
Waxay soo bandhigeen dad aan jirin oo ay rabaan in ay dhahaan degmo kasta oo Soomaaliya ah waxaa ka codaynaya dad ay iska qorteen.
Dadkaasi aan jirin xamar baa codkooda DAM JADIID ku tirinaysaa ka dibna anagaa 90% nala doortay ayaa ku xigta.
Dawlad Goboleedyada DAM JADIID
DAM JADIID waxay samaynaysaa Dawlad Goboleedyada soo socda oo ka kooban degmooyin ay samaysteen ama BOOBEEN:
Wax loogu yeero Puntland oo DAM JADIID ka dhigtay in uu ka kooban yahay 18 degmo?
”Gobolada Dhexe” oo DAM JADIID ka dhigtay in uu ka kooban yahay 12 degmo. Ogow akhristoow Gobolka Galgaduud wuxuu ka kooban yahay 7 degmo. Mudug oo waqooyiga Puntland ku jirtana wuxuu ka kooban yahay 5 degmo isku gayn waa 12 degmo. Halkaas waxaa ka cad in ay Gobolka Mudug oo dhan qaateen.
”Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” oo DAM JADIID ka dhigtay in uu ka kooban yahay 12 degmo.
”Baraadirland” oo DAM JADIID ka dhigtay in uu ka kooban yahay 16 degmo. Hada ogow waana caasid ummadeed waana dawlad Goboleed Hawiye ah!!
Koonfur Galbeed oo DAM JADIID ka dhigtay in uu ka kooban yahay 18 degmo.
Jubaland oo DAM JADIID ka dhigtay in uu ka kooban yahay 15 degmo.
Shaxdaani waa shax aan sinaba dagaal mooyee aan macquul u ahayn, waxa kaliya oo ay keenaysaana waa Puntland oo la burburiyo!!
Halkan ka akhri qoraalkii DAM JADIID u dhiibtay Kamaal Guudaale si ay u gadaan Qorshan Guracan
Halkan ka dhagayso Qorshaha Dam Jadiid ee 2016 (Jibriil Ibraahim Cabdulle)
Halkan ka akhri Hogaamiye Faarax Cabdulqaadir (Faarax Sakiin) oo Facebook ka amaanya wiilkuu qoraalka u dhiibtay ee Kamaal Guudaale
Waxuuna Faarax Fikrad uu shakhsi soo jeediyey oo uu la dhacay ayuu qoraalkiisa ku leeyahay ” Interesting an thoughtful kamuludin as usual” Isagoo ula jeeda aad buu u xiiso badan yahay soo dhawayna u mudan yahay!!
https://www.facebook.com/farah.abdulqadir?fref=ts
Waxay dhawaan DAM JADIID ay shaacisay in ay Degmada Cadaado ka furidoonto shir ay ku sheegatay in ay maamul ay ugu samaynayso Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo si bareer ah u BOOBAYSA Gobolka MUDUG ee Puntland. Waxaa masuuöiyadeeda qaadaya madaxweyne Gaas oo aan la aqoon waxa uu ku bedeshay Gobolkuu ka soo jeeday.
Waxaana iska cad in ay madaxtinimada Dr Gaas ka harsan tahay oo kaliya inta uu shirku socdo markuu shirku dhamaadana masii ahaandoono madaxweynaha Puntland.
Puntlandes.com