Ilhaan Cumar oo ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreebreebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa kursiga ay hadda ku fadhido
25 May 2020 (Puntlandes) Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreebreebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka, kaas oo lagu wado inay doorashadiisu dhacdo horaanta bisha November ee sanadkaan 2020.
Cudurka Corona ayaa horistaagay in ergada xisbiga ay isu yimaadaan si ay u codeeyaan taasi oo sababtay in qaabka Emil-ka lagu codeeyo, waxayna codbixinta xisbiga Dimuqraadiga socotay 9kii maalmood ee ugu dambeysay.
Ilhaan Cumar ayaa tartanka kaga guuleystaya Antone Melton oo ahaa nin madow ah isla markaasna si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay, waxayna heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton oo kaalinta labaad soo galay uu helay 30.9%.Waxaa sidoo kale tartankan is-reebreebka xisbiga Dimuqraadiga ku jirtay Leylo Shukri Adan oo ah gabar Soomaaliyeed.
Puntlandes.com