Xildhibaan Xidig oo sheegay inay furi doonaan gal-dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika
25 May 2020 (Puntlandes) Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo Horay u ahaa hogaaminta Xubnihii Is bedel-doonka Jubaland ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera oo uu sheegay in shirkii Golaha Ammaanka ugu gafay Beel Soomaaliyeed.
Amb. Madiera oo ka hadlayay maalmo ka hor Shirka Golaha ammaanka QM ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka Beesha Ogaadeen ay heshiiyeen.
Sidoo kale C/rashiid Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika, maadaama uu Arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo.Puntlandes.com