Daawo Video: Guddiyada Joogtada Labada Aqal ee Baarlamanka oo go’aamiyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 7aad
25 May 2020 (Puntlandes) Kulankii ay yeesheen Guddiga joogtada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaliya Isla markaan Ay Shir Guddominayeen Guddonka Labada Aqal ayaa looga hadlay xilliga la furayo Baarlamanka Iyo Xilliga Loo Yeerayo Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
6-da June ayaa si rasmi ah loo furayaa Kalfadhiga 7aad ee Baarlamanka, halka 27-June loo yeeri doono Guddiga Madaxbanaan ee Doorashoyinka Qaranka si loogu dhagaysto warbixino la xiriira arimha doorashooyinka Qaranka
Kooramka Guddiga soo xaadiray 29 xubnood sayaa uga horeyn cod qaaday In 6-da June la furo Baarlamanka waxaa ogalaatay 24 mudane waxaa Diiday 3, waxaana ka aamustay 1
Halka In Guddiga Madaxbanaan Ay Baarlamanka Horyimaadaan Ogalaatay 27 Mudane Waxaa Diiday 2 Waxaana Ka Aamustay 1 Sidaas Ayuuna Ansax Ku Noqday Sida Uu Ku Dhawaaqayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.
Puntlandes.com