Midowga YURUB iyo Sweden oo war ka soo saaray waqtiga loogu daray in gudiga doorashada uu ku hor-yimaado Baarlamaanka DFS

26 May 2020 (Puntlandes) Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ka falceliyey dib u dhaca ku yimid waqtiga guddiga doorashooyinka qaranb ay hortagi lahaayeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu walaac xoog leh kaga muujiyey waqtiga cusub ee loo asteeyey guddiga doorashooyinka Qaranka.

Nocolas Berlanga ayaa su’aal geliyey suurta-galnimada in waqtiga cusub ee loo qabtay guddiga doorashooyinka inay ku hor-yimaadeen baarlamaanka lagu shaaciyo doorasho waqtigeeda dhacdo.




“Midowga Yurub wuxuu walaac ka muujinayaa suurta-galnimada cawaaqibka waqtiga cusub ee loo qabtay in guddiga doorashooyinka uu ku horyimaado baarlamanka inay ka dhallan karto doorasho waqtigeeda ku dhacdo,” ayuu yiri.

Hadalka kasoo yeeray Midowga Yurub ayaa kusoo aadayo xilli Guddiyada joogtada ah ay go’aamiyey in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran (GMDQ) Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ay baarlamanka hor-timaado 27-ka June, kana horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

Warbixinta guddiga doorashooyinka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lasoo gudbiyo 27-ka bishan May, taas oo macanaheedu yahay in hadda dib looga dhacayo muddo bil.

Sidoo kale Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa la wadaagtay walaaca uu qabo Safiirka Midowga Yurub ee la xiriira cawaaqibka xun ee ka dhalan kara dib u dhac ku yimaada waqtigii Guddiga Doorashada Qaran uu ku hor imaan lahaa Baarlamaanka ee ku aadan qabashada doorasho xilligeeda ku dhacda.




Hoos ka akhriso

About The Author