Sawirro: Munaasibad loogu duceeynayo AUN Axmed Muuse Nuur-yare oo Galkacyo lagu qabtay

26 May 2020 (Puntlandes)  Xarunta Nabada iyo Hormarinta GECPD ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo Tacsi Qaran iyo Duco ah oo la samaynayo AUN gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.

Waxaa kullanka kasoo qaybgalay wasiiro ka tirsan dawladda Puntland iyo Galmudug oo ay ugu horeeyaan Wasiirka arimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdirahman dhabancad iyo wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug Axmed macalin Fiqi, xildhibaano ka tirsan  Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ee labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, siyaasiyiin, Isimo iyo 3waxgarad.




Sidoo kale waxaa loo sameeyey gudoomiyihii gobolka Mudug AUN  Axmed Muuse Nuur Buuga saxiixa tacsi Qaran.


Puntlandes.com

About The Author