Sawirro: Wasiirka Amniga Galmudug oo si rasmi ah ula wareegay dhammaan koontaroolada konfurta Gaalkacyo ee Galmudug (muuqaal)

27 May 2020 (Puntlandes) Wasiirka Amniga gudaha ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si rasmi ah ula wareegay dhammaan koontaroolada koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dhanka galmudug ee ay maamuli jireen ciidammo maleeshiyo beeled ah balse, maanta wixii ka dambeeya waxaa maamuli doona ciidamadda Galmudug.





Wasiirka Amniga ayaa sheegay in deeganada Galmudug laga mamnuucay waxyaabaha maanka dooriya isagoona intaasi ku daray in shaqsi lagu arko isagoo ka ganacsanaya ama isticmaala uu maamulka talaabo uu ka qaadi doono.

La wareegida kontaroolada ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ,Wasiiro iyo madaxda maamulka gobolka mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.






Puntlandes.com

About The Author