Sawirro: Puntland & Galmudug oo ku heshiiyey inay ka wadashaqeeyaan Amniga Galkacyo (muuqaal)
27 May 2020 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maantay kulan heer sare ah ku yeeshay laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb ka ahaa senatarro iyo xildhibaano labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiiro iyo xildhibaanno Puntland iyo Galmudug ka kala socday.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga ee labada Dawlad Goboleed, xoojinta nabadda, xasiloonida magaalada Gaalkacyo iyo in si wadajir ah la isaga kaashado la dagaalanka argagixisada laynaysa haldoorka umadda.
Kulanka ka dib ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay labada Wasiir ee kala hogaaminaysay labada wafdi Ahmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug iyo Maxamed Dhabancad wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxayna sheegeen in labada dhinac ay si rasmi ah isugu waafaqeen in wadajir looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonada gobolka Mudug isla markaana lala dagaalamo argagixisada iyo kuwa gabbaadka u ah iyo cid kasta oo xasilooni darro iyo colaado abuuraysa.
Labada dawladood ee Puntland & Galmudug ayaa heshiis buuxa ka gaaray inay ka wadashaqeeyaan Amniga magaalada Gaalkacyo oo u qaybsan labada maamul iyo guud ahaan gobolka Mudug.