Sawirro: Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo xilka la wareegay

27 May 2020 (Puntlandes) Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland ayaa waxaa lagu qabatay munaasabad uu xulka kula wareegaayo Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdi Ibraahim Warse Qawdhan.




Xilwareejintaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Saalax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Wasiirka u rajeeyay in ilaahay u fududeeyo xilka loo igmaday ayna ku soo dhowey nayaa Wasaaradda.

Wasiirku-xigeenka dakhliga Cabdi Ibraahim Warse qawdhan ayaa madaxda Wasaaraddu soo dhex marisay qaybaha Wasaaradda iyo habka ay u hawal galaan.






Puntlandes.com

About The Author