Sawirro: Xogta qiimeynta shaqaalaha Wasaaradd Maaliyadda Dawladda Puntland qaybta Dakhliga oo la soo bandhigay
02 June 2020 (Puntlandes) Xogta qiimeynta shaqaalaha Wasaaradd Maaliyadda Dawladda Puntland qaybta Dakhliga ayaa lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda ee Garoowe.
Khabiir lagu magacaabo Clement Opare oo ah la-taliye caalami ah oo loo qaatay sidii uu ugala shaqayn lahaa Wasaaradda Maaliyadda ka caawinta dib u habaynta shaqaalaha iyo baahiyaha aqooneed ay u baahan yihiin shaqaalaha dakhliga ayaa muddo 4 bilood ah waxa uu ku sameeyay qiimeyn ku saabsan shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu xusey waxyaalo badan oo horumar ah iyo waxyaale kale oo uu ku tala bixiyay in hab kale loo qabto.
Meelaha uu ku ammaanay Shaqaalaha waxaa ka mid ah in aqoontooda ama shahaadooyinka waxbarasho ay heystaan ay tahay mid wanaagsan, Bachelor degree 46%, Certifcate17%, Diploma 19%,Masters degree 9%, sidoo kale waxa uu sheegey in 62% ay dhalinyaro yihiin oo da’doodu u dhaxayso 25-34, shaqaalaha ayuu sheegay in 36% ay shaqada Wasaaradda joogeen 5 sano iyo kabadan, 45% waxa ay shaqada Wasaaradda joogeen 2-5 sano inta u dhaxeysa.Waxyaalaha uu sida gaarka ah kula taliyay shaqaalaha Wasaaradda waxaa ka mid ah in loo wada shaqeeyo koox-hawleed ee aysan cidna oran waxayga ama wixiina ee si isku mid ah loo wada shaqeeyo iyada oo la fiirinayo horumarka Wasaaradda.
Waxa kaloo uu ku tala bixiyay in mar kasta shaqaalaha la dhiiri gasho ay oo la siiyo abaal-marino, dharka shaqaalaha iyo gaadiid ay ku soo shaqo tagaan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Cabdi, ayaa masuuliyiinta Wasaraadda oo ay ugu horeeyaan Wasiir kuxigeenada, Agaasimaha Guud iyo Agaasime kuxigeenka Dakhliga kula dardaarmay in dhammaan waxyaalaha uu khabiirkan soo jeediyay loo badalo ficil ahaan, waxaana uu ballan qaaday in dhankiisa wax kasta oo dhankiisa ku xiran uu diyaar la yahay.
Wasiirku,wuxuu sheegey in Wasaaradda uu ku soo biirey Wasiir kuxigeenka Dakhliga kaas oo khibrad u leh hawlaha Wasaaradda maadaama uu muddo 5 sano ah horey Wasaaradda uga soo shaqeeyay, waxaana uu intaas raacshay in uu diyaar u yahay cid kasta oo ay hasysa talo kor loogu qaadayo dakhliga uuna dhagaysan doono.
Cabdi Qawdhan, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Wasiirka ku ammaanay sida ay uga go’an tahay kor u qaadida dakhliga iyo wada shaqeynta masuuliyiinta Wasaaradda, waxaana uu ballan qaaday in uu dadaal u gali doono horumarinta Wasaaradda gaar ahaan dhanka kor u qaadida dakhliga iyada oo ay jiraan daruufo.
Sikastaba, warbxintan ayaa ahayd mid dhiirigalin, tusaaleyn iyo faaiido ballaaran u leh shaqaalaha Wasaaradda.