Shir u dhaxeeya Madaxtooyada Somalia iyo dowlad goboleedyada oo is faham waa ku dhamaaday

04 June 2020 (Puntlandes)  Waxaa burburay shir maalmihii la soo dhaafay dhanka Zoomka ku dhex marayay Wakiilo ka kala socday Madaxtooyada Villa Somalia, dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, si looga arrinsado goobta iyo ajandayaasha shir lagu wado inuu dhex maro  Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkii u dambeeyay ee maanta dhinacyadaas ku dhex maray Zoomka ayaa is faham waa ku dhamaaday, kaddib markii la isku raaci waayay waqtiga iyo goobta uu shirka ka dhacayo, waxaana jiray soo jeedino kala duwan oo la xiriira taariikhda shirka dhacayo oo ay kala wateen xubnaha ka kala socday dawlad Goboleedyada oo midba taariikh gaar ah soo bandhigay.




Hase ahaatee markii intaas la isku fahmi waayay ayaa hadana dood kale ka dhalatay in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu yimaadeen shir dhinaca qadka Zoomka, waxaana arrintaas diiday oo ka horyimid Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed.





Waxaa horay u jiray in Wakiilka ka socday Koofur Galbeed inuu soo jeediyay kulanka ay isugu imaanayaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu dhaco bartamaha bisha July, halka Qaramada Midoobey iyo wakiilada kale ee Beesha Caalamka ay doonayeen in shirka uu dhaco dhamaadka bisha June.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa wax shir ah isugu imaan tan iyo bishii may ee sanadkii hore, xilligaasoo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku kulmeen magaalada Garowe, waxaana shirkaas uu ku dhamaaday burbur, kaddib markii qodobo dhowr ah la isku mari waayay.

Puntlandes.com

About The Author