Farmaajo oo Baarlamaanka ka codsaday in Muqdisho ay matalaad ay shacabka Soomaaliyeed iska dhex arkaan ku yeelato Aqalka Sare
07 June 2020 (Puntlandes) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay furay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah midka ugu dambeeya ka hor inta uusan dalka aysan doorasho ka dhicin, ayaa ka jeediyey codsi ku saabsan inat Muqdisho ka hesho Aqalka Sare matalaad.
Madaxweynaha ayaa labada Aqal ka codsaday in magaalada Muqdisho oo uu ku dhashay si fiicanna u kala yaqaan laga siiyo Aqalka sare matalaad ay shacabka soomaaliyeed ee ay u tahay caasimaddu isku dhex arkaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Federaalka waxaan maanta usoo jeedinayaa codsi Madaxweyne, waxaana rajeynayaa inaad iga aqbashaan iguna taageertaan oo igu sharaftaan si aan u wada muujino tixgelinta iyo qaddarinta aan u heyno Muqdisho, waan wada jecelnahay si gaar ah ayey meel iiga taal, waan ku dhashay, luuq-luuq ayaan u aqaan, waana ku koray, fadlan igu raaca inay aqalka sare ku yeelato caasimadda Muqdisho matalaadda ay mudan tahay, sidoo kalana ay muraayad uga wada noqoto dhamaan shacabka Soomaaliyeed,”
Puntlandes.com