Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo kulan la leh Guddoomiye Mursal
07 June 2020 (Puntlandes) Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xilligan kulan albaabada u xiran waxaa ay hoygiisa kula leeyihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Madaxweynayaashii hore ayaa mowqifkooda ku aadan in doorashad dalka ay waqtigeeda ku dhacda u gudbin doona Guddoomiye Mursal, sidoo kale waxaa ay la wadaagi doonaan aragtidooda ku aadan in la helo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, ayna isla ogol yihiin saamileyda siyaasadda.
Waxaa la filayaa in Madaxweynayaashi hore ay la wadaagaan Guddoomiye Mursal aragtidooda ku aadan kalfadhigii shalay ee Baarlamaanka, iyagoo ay mucaaradku aamin yihiin in Madaxweyne Farmaajo aanu si waaqici ah uga hadlin xaalada dhabta ah ee dalka, maadaama dalku galayo marxalad kala guur siyaasadeed oo loo baahan yahay in si wadar-ogol looga gudbo.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ay kulan gaar ah la yeeshaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Puntlandes.com