XOG: Villa Somalia oo lacag ku bixinaysa Mudaharaad Amniga Puntland khal-khalgeya

08 June 2020 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo lagu kalsoon yahay lana shaqeeya madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, (Nabad iyo Nolol), ka ogaatay inay Villa Somalia dhaqaale xoogan ku bixinayso mudaharaadyo khal-khal amni ka abuura Puntland oo ah dal nabad ah oo ka jirto dawlad ay shacabku soo doorteen.






Ilahan oo ka mid ah dadka ay ula soo xiriireen Nabad iyo Nabad inay abaabulaan Mudaharaadyo labo waji leh, kaas oo wajiga koowaan yahay in lagu mucaarado oo looga soo horjeesto madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni halka uu wajiga labaadna yahay in taageero loogu muujiyo hadaljeedintii madaxweynaha dawladda Federraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in shaq siyaadka loola soo xiriiray inay abaabulaan mudaharaadka in lagu maalgelinayo lacag uu cadadkeedu u dheeyo $$2500 ilaa 6000, taas oo loogu sheegay inay 2 ilaa iyo 3 doollar siiyaan barakacayaasha Puntland oo ku sugan magaalooyinka iyo degmooyinka Puntland lagana abaabulo mudaharaad.

Xogta ayaa noo caddaysay in habeen hore la bilaabay xiriirka lala samaynayo shaqsiyaadka loo xilsaaray abaabulka, iyadoo isla shalay uu ka dhacay deegaano ka tirsan Puntland maantana la isku dayey magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo oo uu ciidanka Amniga Puntland ka hortagay, halka uu ka dhacay goobo ka mid ah gobolka Sanaag.




Mudaharaadkaan oo ay si toos ah u abaabulayaan xafiisyada madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ujeedadoodu tahay in la abuuro rabsho khal-khalna la geliyo amniga iyo kala dambaynta Puntland.

Villa Somalia ayaa go’aansatay inay xilka ku sii joogi karto inay bur-buriso Puntland oo ay ka jirto 22 sano dawlad ay shacabkeeda dhisteen.

Puntlandes.com

About The Author