Sawirro: Kulan lagu xoojinayo wadashaqaynta Puntland iyo Galmudug oo Galkacyo ka dhacay (muuqaal)

08 June 2020 (Puntlandes) Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirudowlaha Wasaarada Cadaalada Puntland, Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Cabdulaahi Warsame, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Galmudug iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Puntland ayey si wada jirah ula hadleen Warbaahinta iyagoona ka warbixinayey Howlgalo Socdah oo lagu Xaqiininayoh Amniga Magaalada Gaalkacyo oo iskaashi ah kuwaas oo qabsoomay Asbuucyadaan.




Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay In laga Midaysanyahay Galmudug iyo Puntland Gaalkacyo Xasilinteed haba ugu horayso Xaga Amniga, ayna dhamaatay inta wax la bi’iyo in hadba labada Xaafadood ee Magaalada Midba mar lagu dhuunto, waxaa bilowday Maalmihii Shacabka Gobolka Mudug ay ku Naaloon lahaayeen Nabadii ay Xaqa ulahaayeen, Cadowgunah waxuu ku jiraah maalmihii ugu danbeeyey ee ay Bulshada Dhexdooda isku qarin jireen.



Halkana ka Daawo Wasiirka Amniga Galmudug oo ka warbixiey Howlgal ay gaalkacyo si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Danab, PSF & Galmudug


Puntlandes.com

About The Author