Is mari-waa ka taagan kulamada labada Aqal ee Baarlamaanka inay wadajir u qabsoomaan
09 June 2020 (Puntlandes) Iyadoo Sabtidii la soo dhaafay uu si rasmi ah u furmay Kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay is mari-waa ka taagan kulamada Baarlamaanka labada Aqal ay noqdaan kuwo si wadajir ah qabsooma wixii hadda ka dambeeya.
Is mari-waagan ayaa yimid kaddib markii Guddoonka labada Aqal isku fahmi waayeen in warbixinta Guddiga wadajirka ah Labada Aqal ee loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashooyinka in wadajir labada Aqal loo horkeeno.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoonka Aqalka Sare uu dalbanayo in kulamadiisa ay gaar noqdaan, sida horay sharciga ugu ahaa, isla markaana warbixinta Guddiga Wadajirka ee xeerarka doorashooyinka gaarkiisa loo horkeeno.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku doodaya in sidii horay u dhici jirtay marka Golaha Shacabka uu sharci soo meel mariyo in loo soo gudbiyo Aqalka Sare, si ay iyana uga doodaan, wixii
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa isna ku doodaya in aanu waqti jirin, isla markaana ay muhiim tahay in sharciyada Baarlamaanka ay wadajir u ansixiyaan Labada Aqal, isla markaana u fariistaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso in fadhiyada Baarlamaanka labada Aqal ay wixii hadda ka dambeeya noqdaan wadajir, si ay olole ugu sameyso in sharciyada qaar ee hadda yaala in Baarlamaanka labada Aqal ku ansixiyo aqlabiyad.
Guddiga Joogatada ee Golaha ayaa maanta shir ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo ka arrinsanaya ajandayaasha Kalfadhiga 7aad, waxaana ajandaha ugu weyn ee la sugayo uu yahay kulanka 27-ka bishan ee Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ay warbixin ku saabsan doorashada ka jeedineyso Fadhiga Baarlamaanka.
Afarta xeer ee ay ka soo shaqeeyaan Guddigii Wadajirka ahaa ee loo xilsaaray dhameystirka sharciga doorashooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta matalaada Aqalka sare ee Gobolka Banaadir oo ay u qoondeeyeen todobo kursi, xeerka gaarka ah ee xubnaha laga soo dooranayo Somaliland, Qoondada kuraasta Haweenka iyo goobaha la dhigayo kuraasta Baarlamaanka ee Aqalka sare.