Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda DFS inay shir isugu yeeraan madaxda dawlad goboleedyada dalka
09 June 2020 (Puntlandes) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxtooyada Soomaaliya inay shir isugu yeerto dhammaan hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay sida uu dhigayo dastuurka dalku, wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada in si degdeg ah loogu baahan yahay in lagu xaliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta, hirgelinta deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19.
Hoos ka akhriso qoraal ay Safaaradda Mareykanku soo dhigtay barta ay Twitter-ka ku leedahay
Puntlandes.com