FARMAAJIHII LA HESHIIN WAAYEY DAWLAD GOBOLEEDYADII ISAGA DOORTAY KANA MID AH DAWLADIISA MIYAA HADA ISKU RARAY SOMALILAND?

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”ninkaad kabo ka tolanayso, waxaa la dhugtaa kabihiisa”, taas waxaa lagu cabiri karaa hab-dhaqanka qar iska xoornimada ah ee uu caadaystay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.






8dii febraayo 2017kii ayaa waxaa Farmaajo lagu doortay xerada Xalane, waxaana doortay xildhibaanada labada Aqal, kuwaas oo Golaha Shacabka na ay ergo 51 gaarayso ku soo doorteen caasimadaha dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya marka laga reebo Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isutaag, halka Aqalka Sare na ay usoo magacaabeen madaxweynayaasha dawlad goboleedyada xubno kursigiiba kadibna ay Baarlamaanada dawlad goboleedyadu kursi karta qof u doorteen.

 

Dawlad goboleedyadii dhisay dawladda Farmaajo waxay kala ahaayeen Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, maantana mid iyo labo kama hayo madaxweyne Farmaajo oo wax xiriir ah iyo wadashaqayn lama lahan.

Farmaajo wuxuu dagaal toos ah ku qaaday dawlad goboleeedyadii xubinta ka ahaa dawladda uu madaxweynaha ka yahay, isagoo qaarkoodna Xabad ula tagay oo dhiig Soomaaliyeed ku daadiyey.

Waxaa maanta mugdi ku jirta midnnimadii intii midka ahaa markii la dooranayey Farmaajo, iyadoo aad looga wal-walsan yahay inay ku burburto gacanta Farmaajo dawladnimii Soomaaliyeed ee lasoo dhoodhoobayey laga soo bilaabo sanadkii 2000.

 

Walaalaha Somaliland waxay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya ka go’een 1991dii, markii ay burburtay dawladii uu hogaaminyaey kaligiistaliye AUN Maxamed Siyaad Barre.

Farmaajo muddo xileedkiisu waa gabogabo waxaana u hayray wax ka yar 8 bilood, Baarlamaankiisana waxaa u haray 5 bilood, wuxuuna ilaa hadda diidan yahay inuu dawlad goboleedyada dalka kala tashto nooca doorasho dalka ka dhacaysa kadib markii uu ku guuldaraystay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Farmaajaha dayacay mas’uuliyadiisii, awoodina waayey inuu isku wado intii ku  midaysnay Soomaaliya soo dooratay dawladiisa soow ma ahan qof aan socon karin oo dhahaya waan ordi karaa?

Farmaajo waxaa lagu ogaan karaa hogaankiisa sida uu u dayacay xilkii loo igmaday ee ahaa ilaalinta midnimada iyo dastuurka dalka, midnimadii intii soo dooratay wuu kala tuuray oo hada maba jirto, dastuurkiina qashinka ayuu raacshay, maxay tahay marka waxa laga filan karo shirka Jabuuti oo uu kula kulmayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi? Waa waxba, danta kaliya oo uu ka leeyahayna waa sawirada la wadagelayo (Photo-op).





Maxay tahay waxa uu maanta oo muddox ileedkiisu uu gabogabo yahay waxa uu kala hadlayo Somaliland, isagoo horay u diiday i nuu la hadlo, cunaqabatayn dhaqaalana kusoo rogay?

Haddii uu Farmaajo doonayo midnimo, waxaa laga arki lahaa isku wad, dulqaad iyo soo dhawayn dawlad goboleedyadii isaga doortay ee intuu kuwaas dayacay oo kala eryey caqli ma ahan inuu Somaliland qanciyo.

Kulanka Jabuuti waan socan waayeye aan ordo, jug jug meeshaada joog.

W/Q: Mahdi Yuusuf Dhuux

About The Author