Deg deg madaxweyne Farmaajo oo shir aan waqti lahayn ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir
14 Juni 2020 (Puntlandes) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14ka juun 2020ka soo saartay war saxaafadeed ku saabsan baaqii joogtada ahaa ee Saamilayda Soomaalida iyo beesha caalamkuba u dirayeen ee ahayn inay shir qabato lagu goäaminayo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in Shirkaan uu ku saabsan yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, laakiin waqtiga uu dhacayo ma aysan sheegin Madaxtooyadu.
Madaxtooyada ayaa qoraalkeeda ku sii sheegtay in taariikhda uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka ay ka shaqeynayaan guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Hoos ka akhriso War saxaafadeedka Villa Somalia
Muqdisho, 14ka Juun, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .
Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.
Puntlandes.com
DHAMMAAD