Puntland oo ku baaqday in la laalo sharciga doorashooyinka Soomaaliya

15 Juni 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland, maanta oo Isniinta ah oo kuna beegan 15 June 2020, ka furay Xarunta Golaha Caasimadda Garowe.






Deni oo Khudbad dhinacyo kala duwan leh ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la laalo Sharciga Doorashooyinka heer Federaal ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku salaysan habka qabaliga ah ee 4.5.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in Saamileeyda Siyaasadda dalka ay isuygu’ yimaadaan Shir looga arrinsanayo Hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimada ee Soomaaliya.

Mudane Deni wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dano Siyaasadeed ka leeyihiin Sharciga Doorashooyinka oo uu xusay in aan lagala tashan Puntland.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland isagoo sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda Shirkaasi.

Puntlandes.com

About The Author