Akhriso Villa Somalia oo ku samaysay warmurtiyeedkii shirka Jabuuti tarjumaan u gooni ah
15 June 2020 (Puntlandes) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan sixid iskeed ah oo ku tilmaantay “tarjumaad” warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay shirkii fashilka ku dhamaaday ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somalilad.
Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay inay in la turmay warmurtiyeedkii shirka, kaas oo uu kii koowaad u qornaa inay kulmeen labo wadan oo kala ah Soomaaliya iyo Somaliland, halkii kii dambena lagu berdelay inay kulmeen labo maamul goboleed Somalia iyo Somaliland.
Sida aan xog ku helnay markii laga diiday in loo qoro “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland” waxay u soo saartay mid iskeed ah oo ay ku sheegtay tarjumaad.
Hoos ka akhriso War saxaafadeedka Villa Somalia
TARJUMAADDA WAR-MURTIYEEDKA WADAHADALLADA DFS IYO SOMALILAND EE JABUUTI
WAR-MURTIYEED
Iyada oo ku timid dadaal uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyo hoggaamiyayaasha gobolka ee ay ka mid yihiin:
Mudane Abiye Axmed Cali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland
Waxaa kulan wadatashi ah lagu qabtay caasimadda Jabuuti bishan 14ka Juun 2020 si gacan looga geysto sidii hoggamiyeyaasha DFS iyo Somaliland ay dib ugu sii ambaqaadi lahaayeen wadahadalladii iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Hoggaamiyeyaasha ayaa garawsan muhiimadda doorkii Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabad dhisidda iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka.
Ka hor inta aan la iskugu imaan kulankan taariikhiga ah, waxaa hore u soo qabsoomay dhowr wadaxaajood oo natiijooyin badani aanay ka soo bixin.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay.
Kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac.
Waxaa lagama maarmaan ah in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal.
Kulankani wuxuu ku boorrinayaa dhammaan gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan.
Kulanka ayaa ku qabsoomay Jabuuti14 June, 2020