Sawirro: Wasiirka Amniga Galmudug oo magaalada Cadaado ka dhagax dhigey Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska Galmudug
15 Juni 2020 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug oo ay wehliyaan wasiirada Dekedaha iyo kaluumaysiga, iyo wasiirka Bey’ada iyo horumarinta reer Miyiga, Guddoomiyaha Cadaado iyo saraakiil kale ayaa maantay dhagax dhigey Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska Galmudug duleedka dhanka Bari ee magaalada Cadaado.
Akademiyadan ayaa noqon doonta halka lagu tababari doono ciidamada Booliska ee dhowaab Galmudug ay xareyn doonto, ayadoo weli ay socdaan hawlihii xareynta iyo tababarka Ciidamada Daraawiishta.
Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska ee cadaado ayaa ka mid aheyd qorshayaashii hore ee Galmudug balse wasaaradda amnigu ay rabto in ay horgaliso.