Akhriso Guddiyada Farsamo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland oo shirku uga furmay Jabuuti (muuqaalo)
15 Juni 2020 (Puntlandes) Waxaa Hotelka Kempisky ee magaalada Jabuuti ka furmay Shir ay leeyihiin Guddiyo farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Guddigan Farsamo ee labada dhinac ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu heshiiyay ee Shirkii shalay, iyadoo furitaankii shirkii maanta ee Guddigaas ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Yamamoto, Midowga Yurub, IGAD.
Shirkan Guddiga Farsamada ayaa waxaa fududeynaya oo kor-joogte ka noqonaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Daawo hadeljeedintii Madaxweyne Farmaajo ee shirka maanta
Daawo hadeljeedintii Madaxweyne Biixi ee shirka maanta
Akhriso magacyada guddiga farsamo ee Soomaaliya
Akhriso magacyada guddiga farsamo ee Somaliland