Sawirro: Heshiis lagu gaaray Shirkii Jabuuti (daawo muuqaalka qodobada lagu heshiiyey)
17 june 3020 (Puntlandes) Guddigii Farsamo ee kala matalayay Soomaaliya iyo Somaliland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay wada hadalka uga socday ayaa ugu dambeyn heshiis kala saxiixday caawa.
Dowladda Jabuuti oo shirkan martigelineysay ayaa Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yusuf uu ku guuleystay in mar kale uu isu keeno labada dhinac, kaddib markii dhinaca Somaliland Guddigii matalayay ay isaga baxeen shirka.
Qodob ka mid ah war murtiyeedka oo la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn suura gashay in la xaliyo, taasoo keentay in shirka dib ugu soo laabtaan dhinacii matalayay Somaliland.
Guddiga Somaliland ayaa diiday inay wax tanaasul ah ka sameeyaan qodobkii Guddiga Soomaaliya ka socday ku soo dareen ee ahaa Xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac, waxaana markii dambe qodobkaas loo saaray guddi gaar ah.
Guddiyada labada dhinac ayaa waxaa u kala saxiixay heshiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yaasiin Faratoon.