Akhriso Qodobada ay Soo Saareen Guddiyada Farsamo ee Waddda Hadalada Soomaaliya iyo Somaliland
Jabuuti-18-06-2020-Shirkii wada-hadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday dalka Jabuuti ayaa caawa labadii guddi farsamo ku kala saxeexdeen is afgarad hordhac ah oo labada dhinac isla qaateen.
Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyo oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti.
1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan
2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.
3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.
4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.
5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.
Saddexdaas guddi waxay muddo 15 berri ka dib ku kulmi doonaan dalka Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment).
Sidoo kale Guddida farsamado ee wada-hadaladan oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan dalka Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada sadexda ah.
Halkana ka daawo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti oo sharxaya qodobada lagu heshiiyey
Puntlandes.com