Akhriso Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo meel-mariyay Ajandaha kalfadhiga 46aad ee Golaha.
18 june 3020 (Puntlandes) Kalfadhiga 46-aad, Fadhiga 4-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa lagu meel-mariyay Ajandaha kalfadhiga 46aad ee Golaha.
Fadhiga waxa ka soo qeyb galay mudanayaal gaaraya 37 xubnood, waxaana shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Avv: CabdicasiisCabdullahi Cusmaan & Ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, iyadoo ajandaha mudaneyaasha horyaalla uu ahaa ansixinta Ajandaha kalfadhiga 46-aad oo horey qodob-qodob looga dooday.
Dooddii shalay ee wax ku kordhinta iyo wax ka dhimista ee xildhibaanada kadib waxaa maanta cod loo qaaday ansixinta kalfadhiga oo cod gacan taag ah la geliyay.
Waxaa ogolaatay 35 mudane, mudane diidayna ma jirin, waxaana ka aamustay 2 xubnood, sidaa ayuuna ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 46-aad, waxaana si rasmi ah loo guda galay qodobada uu ka kooban yahay maanta.