Sawirro: Labada maamul ee Gaalkacyo oo si wadajir ah u bilaabay dhismaha wadadii labaad oo laami ah (muuqaal)
20 june 2020 (Puntlandes) Maamulka dowlada hoose ee dagmada Galkacyo ee dhanka Galmudug ayaa maanta bilaabay dhismaha wadadii labaad oo laami ah, taas oo qayb ka ah mashaariicda ay wadaagayaan labada maamul ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.
Puntland iyo Galmudug ayaa waxay ka wadashaqaynayaan xoojinta nabadgalyada iyo is dhaxgalka Bulshada magaalada Gaalkacyo.
Mashruucaan bilowga dhismaha wadadii labaad ee laami ah ayaa waxaa munaasabadeeda ka qayb galay masuuliyiinta maamulka dagmada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug iyo xubno matalayay Bulshada qeybahooda kala duwan.
Gudoomiye ku xigeenka dagmada Galkacyo ee Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qayb ka tahay mahsaariicda lagu xoojinayo nabadgalyada magaalada Gaalkacyo, Isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan maamulada dowlada hoose ee Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug oo gacan ka helaya Hay’adda SSF.
Sidoo kale mashaariicdaan ayaa wax weyn ku soo kordhinaya bilicda magaalada Gaalkacyo oo ay kala maamulaan Puntland iyo galmudug.