Mooshin difaacasho kursi ah oo laga gudbiyay Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federalka

20 june 2020 (Puntlandes) Xildhibaannada Golaha Shacabka oo marka laga reebo 24 haweenah ay inta kale, 275, ay tahay rag ayaa kulankoodii maanta waxa ay uga hadleen qoondada haweenka ay ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dalka uu guda galayo doorashada 2020/2021.






Guddoonka Golaha Shacabka waxaa maanta loo gacan geliyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin in ka badan 130-Xildhibaan, kuwaas oo soo jeediyay in Xildhibaannada Haweenka ah kaliya kuraastooda ay u tartamaan dumarka oo kaliya si loo xaqiijiyo 30%.

Maadaama ay doonayaan inay sharciyeeyaan 4.5 aysana ku amri karin ama farogashan karin kursi beeleed in la siiyo Haween isla markaasna uu doonayo Xildhibaan walba inuu difaacdo kursigiisa haddii uu rag ahaan lahaa iyo haddii uu dumar ahaan lahaaba ayey waxay u gudbiyeen Mooshinkaan in Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira labada Gole ay kuraastooda leeyihiin ama u tartami karaan dumar oo kaliya.

Ma sax baa mise waa sharci in kursi Beeleed Mooshin laga keeno oo la yiraahdo Beel hebla waxaan ku sharciyeynay in kursigooda ay dumar oo kaliya leeyihiin halka kan beeshaydu ay leeyihiin rag? Arintaan waaa falalaka guracan ee ay ilaa iminka ku dhegen tahay dawladda kooxda la baxday Nabad iyo Nolol.




Beesha Caalamka oo aad moodo inay qaybta u miisaanka culus ka yihiin dhibaatada haysata dawlad dhisida Soomaaliya ayaa wada cadaadis ay ku saarayaan baarlamaanka in haweenku ay helaan Baarlamaanka qoondo ah 30%.

Puntlandes.com

About The Author